Ujeedo: Ka jawaabid hadal ka soo yeeray Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.
Isbaheysiga SNA wuxuu cambaareeynayaa sheegashada xaqiiqda
ka fog ee kooxaha Al-Qaacida iyo Al-Shabaab
Somalia ku sheegteen inay ka qeyb galeen dagaalkii dhexmaray Taageerayaasha
Jeneral Mohamed Farah Aideed iyo Ciidamadii UNISOM 2.
Ma jirin jaanis u saamaxaya in dagaalo ka socda degaanada ay
ka talinayeen Isbaheysiga SNA ka qeybgalaan Urur diimeedka Mayalka adag ee Al
Itixaad iyo argagixisada ku abtirsata Al Qaacida laakiin dagaalkaas wuxuu ahaa
mid dhexmaray taageerayaasha Isbaheysiga SNA iyo huwantii UNISOM 2.
Isbaheysiga SNA oo aad uga xun hadalada faanka ku dhisan ee
Argagixisada Somalia wuxuu taageerayaa hoowlgalkii lagu dilay hogaamiyaha
Al-Qaacida Osama Bin Laden oo dunida ka geystay falal ka baxsan
bini-aadamnimada iyo shareecadda Islaamka.
Taageerayaasha SNA iyo hogaamiyahoodii geeriyooday Jeneral Mohamed
Farah Aideed waa bulsho ku abtirsata Dariiqa Suufiyah,Ahlusuna Wal
Jameeca,waana taariikh qoran oo dunida og tahay.
Isbaheysiga SNA wuxuu aaminsan yahay in Kooxaha Wahaabiyada
laga ciribtiro Caalamka maadama ay halis ku yihiin Diinta Islaamka iyo sharafta
qofka Muslimka.
Kooxaha Wahaabiyadda magac kasta haloogu yeeree ma jirto
dagaal ay galeen oo guulo wax ku oola ay ku gaareen taasina waxaymeesha ka saareeysaa sheegashadooda in qof ka
mida ku lug lahaa dagaalkii 1993-1994.